Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Garowe gobalka Nugaal ayaa Waxaa ka furmay Shirka daneeyayaasha kala duwan ee ka falcelinta ka hor inta aysan dhicin Musiibooyinka kaasi oo soo qabqaabisay wasaaradda Gargaarka Dowlad goboleedka puntland.
Shirka ayaa Waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Wasiirka Wasaaradda Haweenka Drs Maariyo Axmed Cali Masuuliyiinta Gobolada Nugaal iyo Karkaar Hay’adaha Daneeya arimaha Gargaarka iyo marti sharaf.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.