Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug kaasi oo laga hergeliyay magaalada Dhuusamareeb.
Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka, Wasiir dowladaha wasaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.