Muhaajiriin badan oo ku dhintay xeebaha Tunisia.

0
36

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 27 muhaajiriin ah oo isugu jiray dumar iyo caruur ayaa dhintay ka dib markii labo doonyood oo ay la socdeen ay ku gaddoomeen xeebaha dalka Tunisia. 83 kale ayaa la badbaadiyey, sida saraakiisha difaaca madaniga ah ee Tunis ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Rakaabkii la badbaadiyey iyo kuwii dhintay ayaa laga helay jasiiradaha Qarqana ee bartamaha dalka Tunisia. Waxay ku sii jiideen Qaaradda Yurub, waxayna dhammaantood ka soo jeedeen dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, sida uu sheegay Zied Sdiri oo ah madaxa difaaca madaniga ah ee magaalada Safaaqis.

Baarista ayaa wali sii socotay si loo eego haddii ay jireen rakaab kale oo wali maqan, sida uu sheegay ciidanka Illaalada Qaranka ee Tunisia.

Dalka Tunisia waa bar-bilow muhiim ah oo ay maraan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in ay tagaan Yurub. Dadkan ayaa safarkooda Yurub ka billaaba jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, taas oo 150km oo kaliya u jirta dalka Tunisia.

Sanad walba, tobanaan kun oo qof ayaa isku daya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka ee khatarta badan, taas oo ay ka dhaceen shilal maraakiib, iyada oo cimilo xumi ay uga sii darto.

18-kii bishii December ee inna dhaaftay, ugu yaraan 20 muhaajir oo reer Afrika ah ayaa ku geeriyooday magaalada Safaaqis, iyada oo 5 kalena la waayey.

12-kii December, ciidanka ilaalada xeebaha ayaa bad-baadiyey 27 muhaajir, halka 15 kale ay geeriyoodeen.

Ilaa bilowgii sanadka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Tunis ayaa sheegtay in 600-700 oo muhajir ay dhinteen ama lagu la’yahay maraakiibta gaddoontay. Tiro ka badan 1,300 ayaa iyaguna dhintay ama la waayey sanadkii 2023-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here