Shir ku saabsan Suuriya oo ka furmay Riyadh

0
38

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirada arrimaha dibadda ee Yurub ayaa isku raacay in ay kulmaan dhamaadka bisha Janaayo si ay uga wada hadlaan sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa dalka Suuriya iyadoo wasiirada arrimaha dibadda iyo diblomaasiyiinta ugu sareysa wadamada reer galbeedka iyo bariga dhexe ay ku shireen dalka Sacuudiga shirkii ugu horeeyay ee gobolka tan iyo markii la riday Madaxweyne Bashaar Al-Asad. bishii hore.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya qaadista cunaqabateynta, dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha , gargaarka iyo sidii loo tageeri lahaa nidaamka cusub ee dhawaan la wareegay talada dalka Suuriya.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani,oo ay weheliyaan wasiirrada arrimaha dibadda ee gobolka oo ay ku jiraan Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn, Ciraaq. Urdun, Lubnaan iyo Turkiga ayaa dhowr jeer ku celceliyay in la qaado cunaqabateynta saaran tobaneeyo sano dalka Suuriya.

Shirka ayaa imaanaya iyadoo maamulka cusub ee Suuriya, oo ay hogaamiso Hayat Tahrir al-Sham (HTS), uu ku booriyay reer galbeedka in cunaqabateynta laga qaado si dib loogu dhiso kaabayasha dhaqaalaha .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here