Saddex Tababare oo Florentino Pérez ka Fakirayo Inuu Ku Bedelo Ancelotti

0
28

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Real Madrid ayaa ku jirta waqtiyo adag kadib markii ay si xun u garaacday Barcelona finalka Spanish Super Cup.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-2 oo ay Barcelona ku xasuuqday kooxda Real Madrid.

Natiijadaan waxay saamayn ku yeelatay niyada jamaahiirta Madrid oo aan filanayn in natiijo sidaa u wayn ay kasoo bixi kartay ciyaar El Clasico ah.

Qaab ciyaareedka kooxda cadaanka ah ayaa lagu dhaleeceeyay qaladaad dhanka daafaca ah oo ay Barcelona si fiican uga faa’iidaysatay.

Xaaladdan oo kale, uma lahan dulqaad Florentino Pérez, Madaxweynaha Real Madrid, ayaa durba bilaabay inuu raadiyo isbedel deg deg ah oo kooxda lagu sameeyo.

Mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee diiradda la saarayo ee isbedelka u baahan ayaa ah booska Carlo Ancelotti oo laga ceyrin karo shaqada.

Yaa lagu bedeli karaa?

Xabi Alonso

Waxaa ka mid ah xulashooyinka guddiga ay ka fiirsanayaan inay ku beddelaan tababaraha Talyaaniga, saddex magac oo uu kasoo dhax muuqday Xabi Alonso.

Xabi Alonso, oo hadda ah tababaraha Bayer Leverkusen, ayaa lagu qiimeeyay guulihiisa Jarmalka.

Raúl González Blanco

Beddelka labaad ayaa noqon kara in kor loo soo qaado Raúl González Blanco, kaasoo hogaamiya kooxda Castilla maadaama uu leeyahay falsafad gaar ah.

Haddii aan loo dallac siin kooxda koowaad oo aan fursad la siin, Raúl ayaa laga yaabaa inuu go’aansado inuu ka tago Real Madrid si uu u hormariyo mustaqbalkiisa tababarenimo.

Zinedine Zidane

Ugu dambeyntiina, Florentino Pérez ayaa laga yaabaa inuu u weecdo Zinedine Zidane si uu xal ku meel gaar ah uga dhigo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Tababaraha Faransiiska ayaa ku riyoonaya inuu la wareego xulka qaranka dalkiisa ka dib bixitaanka Didier Deschamps 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here