Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wadahadallada lagu doonayo in heshiis lagu gaaro ayaa maanta dib u bilaabmay, iyadoo isku-xirka muhiimka ah ee Qadar ayaa sheegay in heshiis la gaaro” qarka loo saaran yahay”.
Isagaoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay Doxa, afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Majed al-Ansari ayaa sheegay in wada xaajoodyadu ku jiraan “heerkii gabagabada” iyo in arrimaha waaeyn ee horrey u hor istaagay heshiisa “la xalin doono”
Wariyaha BBC ee Gaza, Rushdi Abualouf, ayaa sheegay in heshiiska uu ka koobnaan doono saddex marxaladood, iyadoo saddex maxaabiis la sii deyn doono maalinta ugu horeysa, kadibna Israa’iil ay bilaabi doonto inay soo saarto ciidamadeeda.
Laakiin Qadar ayaa ka digtay in labada dhinac ay “sii gali karaan faahfaahinta”, halka mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil uu BBC u sheegay in heshiisku “aan weli la gaarin”.
Wakiilada Madaxweyne Biden iyo Madaxweyne-doonka Donald Trump ayaa sheegtay inay kaalin ka qaateen horumarka wadahadalada, laakiin dhaarinta Trump ee xilka ayaa keenay cadaadis ku saabsan waqtiga kama dambaysta ah ee muhiimka ah, sida uu qorey Tom Bateman.