Arsenal oo guul muhiim ah gaartay

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa afar daqiiqo gudaheed laba gool kaga dhalisay kooxda Tottenham,waxana ay 2-1 ku garaacday kooxda ay ku xifaaltamaan waqooyiga London kulan ka dhacay Emirates Stadium.

Gunners oo ciyaarta ku soo gashay guuldarrooyin xiriir ah oo ka soo gaaray kooxaha Newcastle iyo Manchester United, ayaa si degdeg ah weerar ugu bilowday kooxda Tottenham oo marti u aheyd.

Balse waxa ay la kulmeen niyad jab markii uu Heung-min Son kubad joog hoose ka dhaliyay goolhaye David Raya.

Arsenal ayaa si joogta ah u soo qaadaysay koorno halis badan ilaa ay goolka barbaraha la timid.

Declan Rice ayaa kubad uu soo qaaday waxaa si qaldan goolkiisa ugu leexiyay weeraryahanka Dominic Solanke, taasoo ka dhigtay Arsenal in ay hesho goolka barbaraha ah.

Spurs ayaa la kulmay dharbaaxo kale wax yar ka hor qeybta nasashada, Antonin Kinsky oo ah goolhayaha Tottenham ayaa waxaa kubad sahlan dhaafiyay Leandro Trossard oo hogaanka u dhiibay Arsenal.

Ange Postecoglou ayaa ciyaarta ka saaray Pape Matar Sarr iyo Yves Bissouma, waxaana lagu bedelay James Maddison iyo Brennan Johnson, taasoo firfircooni siisay kooxdiisa.

La yaab ma ahayn, in qaybta labaad ay heshay Arsenal fursado badan, Kai Havertz ayaa madax halis waxaa ka hor istaagay goolhaye Kinsky, halka Raheem Sterling iyo Trossard ay sidoo kale ku guuldareysteen inay dhaliyaan fursado cad oo ay goolka hortiisa ku heleen.

Arsenal ayaa guud ahaan kulanka ku badisay 2-1, iyagoo afar dhibcood usoo jirsaday hogaamiyaasha Liverpool oo kulan baaqi ah heysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here