Ra’iisal wasaaraha Israaiil oo sheegay in heshiiskii lagu sii dayn lahaa maxaabiista la isku afgartay

0
40

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in heshiis lagu soo celinayo la haystayaashii ay Xamaas ku haysteen Marinka Gaza la gaaray, taas oo meesha ka saaraysa caqabada hortaagan xabbad joojin la doonayo in lagu soo afjaro dagaalkii 15-ka bilood socday ee labada dhinac.

Bayaan ka soo baxay subaxnimadii saaka xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wargeliyey kooxda wada xaajoodka in heshiis laga gaaray heshiis lagu sii daayo la-haystayaasha.

Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa kulmay jimcihii shalay si ay ugu codeeyaan heshiiska ayaa ku balamay Jimcaha dambe si ay u bixiyaan ansixin kama dambays ah.

Wajiga ugu horreeya ee lixda toddobaad socon doona ayaa waxaa lagu sii deyn doonaa 33 maxaabiis ah- oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad da’ ah – oo lagu beddelayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale u bixi doona dhanka bari, iyaga oo ka fogaanaya goobaha dadku ku badan yahay ee Gaza.

Marxaladda saddexaad iyo tan ugu dambeysa waxay ku lug yeelan doontaa soo celinta meydadka la haystayaasha haray iyo dib u dhiska Gaza – waxayna qaadan kartaa sanado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here