Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo fursad siinaya barta TIKTOk.

0
185

Baladweyne ( Radio Beerlula )-MadaxeMadaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidi sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu waday in gudaha Mareykanka ka dhaqan galo amar lagu xiray oo ama lagu mamnuucayo barta TikTok kasoo dhawaan ka soo baxay maxkamadda ku talla Mareykanka.

TikTok ayaa gudaha Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil kuwaas oo adeegsada aabka shirkaddan laga leeyahay dalka Shiinaha.

Wareysi uu siiyay telefishanka NBC ee dalkaan Mareykanka, ayuu Trump ku yiri “90 maalin oo dheeraad ah ayay u badnaan doontaa in la siin doono, sababtoo ah waa waxa ugu habboon. Haddii aan taasi go’aansanno waxay u badnaan doontaa inaan ku dhawaaqo Isniinta.”

Shirkadda TikTok oo qiyaastii ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah ka helay isticmaalka aaladdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here