Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in ay kooxdiisu bar-baro La gashay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League.
Arsenal ayaa markii hore hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana u kala dhaliyay Gabriel Martinelli daqiiqadii 35aad iyo Kai Havertz daqiiqadii 55aad.
Aston Villa ayaa ku guuleysatay inay la timaado goolka barbaraha ka dib labo gool oo ay u kala dhaliyeen Tielemans daqiiqadii 60aad iyo Ollie Watkins daqiiqadii 68aad.
Arteta ayaa yidhi”Waan ku faraxsanahay sida ay dhallinyaradu ula ciyaareen kooxda ka soo horjeeda, waa wax gaar ah in la bixiyo heerkan xakamaynta iyo waxqabadka ciyaartii 3-aad muddo 6 maalmood ah”.
Tababaraha Arsenal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kani waa kulankii ugu fiicnaa ee aan la ciyaarnay Aston Villa tan iyo bilawgii xirfadayda halkan”.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay:”Ma ahan in nalaga dhaliyo 2 gool kulanka marka la eego sida aan u ciyaarnay”.
Arsenal ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 44 dhibcood, waxayna wareegga xiga la ciyaari doontaa Wolverhampton 25 bishan.