Trump oo la wareegay xilka madaxweynaha Mareykanka

0
137

Baladweyne (Radio Beerlula)-Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka.

Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan.

Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay maal-qabeeno ay ka mid yihiin; Mark Zuckerberg, Jeff Bezos, Tim Cook and Sundar Pichai, iyo sido kale Elon Musk oo aad ugu dhow Trump.

Caleema-saarka Trump waxa ay xaqiijisay dib u soo laabasho siyaasadeed oo aan horey uga dhicin taariikhda Maraykanka.

Afar sano ka hor, waxaa loo codeeyay in laga saaro Aqalka Cad intii lagu jiray burbur dhaqaale oo uu sababay cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

Trump wuu diiday guul-darradiisa, wuxuuna isku dayay inuu xukunka ku dhegnaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here