Madaxweynaha Mareykanka oo wada qorshe dadka Gaza loogu rarayo Masar iyo Urdun

0
150

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii soo bandhigay qorshe uu ku tilmaamay mid “lagu nadiifinayo” Gaza, isagoo sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool deegaankaas, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.

Trump, oo Gaza ku sifeeyay “goob burbur xooggan uu ka muuqdo” kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu Axadda maanta ah la xiriiro Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.

“Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dadka. Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa in Urdun ay dadka qaadato,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isagoo la socday diyaaradda Air Force One.

Inta badan 2.4 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa ku barakacay, marar badan, dagaalka oo ka dhashay weerarkii Xamas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October, 2023-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here