Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagaxdhigay dhismaha Waddooyin interlock oo laga hirgelinaayo Waaxda Tima-cadde ee Degmada Wadajir.
Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimeyaal, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.


