Diyaarad rakaab ah oo sida 64 ruux iyo mid milatari oo isku dhacay dalka Mareykanka.

0
148

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu 19 ruux ayaa laga soo saaray webiga Potamac oo ku yaalla magaalada Washington kadib markii diyaarad rakaab oo sida 64 ruux iyo diyaarad helicopter oo milatariga Mareykanka uu leeyahay ay isku dheceen hawada garoonka diyaaradaha Washington ee dalka Mareykanka.

Saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa saarnaa diyaaradda milatariga Mareykanka.
Baaritaan ayaa socda, waxaana la baadi goobayaa dadka ka badbaaday shilka diyaaradahaasi.

Maamulka waaxda Duulimaadyada Federaalka ee Mareykanka ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyneyso dhacdada iyagoo kaashanaya Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here