Aabbe gabadhiisa u dilay isticmaalkeeda barta TikTok

0
115

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Nin dhawaan qoyskiisa ka soo raray Mareykanka kuna soo celiyay dalka Pakistaan ayaa qirtay inuu dilay gabadhiisa oo aan qaan-gaarin kadib markii uu dhibsaday oo uu ka carooday muuqaallada ay ku baahiso bar ay ku laheed TikTok, sida ay boolisku u sheegeen.

Anwar ul-Haq ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii uu qirtay in uu gabadhiisa Hira ku toogtay magaalada Koonfur-galbeed ee Quetta.

Wuxuu markii hore u sheegay baarayaasha in rag aan la aqoonsan ay ka dambeeyeen toogashada.

Aabahan, oo haysta dhalashada Mareykanka, ayaa sheegay in uu u arkay in muuqaallada ay gabadhiisa baahin jirtay ay yihiin “kuwo ka soo horjeeda dhaqanka qoyskiisa”.

Booliisku waxay sheegeen inay eegayaan dhinac walba, oo ay ku jirto suurtagalnimada ah in loo dilo in qoysku ay dhowrtaan sharftooda, taasoo aan ku cusbayn dalkaas.

Boqolaal qof oo u badan haween ayaa u dhinta waxa loogu yeero dilalka lagu difaacayo sharafta qoysaska ee Pakistan sannad kasta, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here