In ka badan 200 oo ruux oo ku nool Hindiya oo si lama filan ah timaha uga daa’teen.

0
224

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dadka ku nool tuulooyin gaaraya ilaa 12 oo ka tirsan degmada Buldhana ee gobolka Maharashtra, dalka Hindiya, ayaa la kulmay dhacdo lama filaan ah iyadoo In ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan carruur da’doodu tahay 4 sano jir, ay ka daa’teen timaha sida ay sheegeen maamulka caafimaadka deegaanka.

Xaaladaha qaarkood timaha daadanaya ayaa sabab u noqday bidaarta oo dhan, waxaana dhacdadan ay walaac iyo argagax ku beertay dad badan oo ku dhaqan deegaannadaasi.

Waxaa lagu soo waramaya in ka hor timo daadashada, bukaanku marka hore la kulmo cuncun madaxa ah, ka dibna timo tiro badan ay si degdeg ah u daataan.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay timo cusub yeeshaan, laakiin sababta saxda ah weli lama garanayo.

Khubarada Dowladda Hindiya iyo sidoo kale Ururka Cilmi-baarista Caafimaadka ee dalkaasi ayaa bilaabay baaritaanka sababta keentay arrintaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya ayaa hadda bukaannada siisay dawooyin si wax looga qabto xalaaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here