Baladweyne ( Radio Beerlula )-Zinedine Zidane ma uusan shakin markii la weydiiyay midka uu ka qoomameynayo inuusan la ciyaarin Paul Scholes, Steven Gerrard iyo Frank Lampard.
Halyeeyga Real Madrid, Zinedine Zidane, wuxuu wajahay saddexdoodaba, balse wuxuu ka qoomameynayaa inuusan mid kamid ah uusan la safan koox.
Zidane, oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 1998, wuxuu la ciyaaray qaar kamid ah xiddigihii ugu wanaagsanaa kubadda cagta ee koox iyo xulba, balse wuxuu dareemayaa niyad-jab yar maadaama uusan fursad u helin inuu garoonka la galo ciyaaryahan uu ku tilmaamay “ku dhawaad ciyaaryahan dhameystiran.”
Halyeeyga Faransiiska wuxuu si joogto ah u amaanaa kabtankii hore ee Liverpool iyo England, Steven Gerrard, oo uu ku tilmaamay “kii ugu fiicnaa adduunka.”
Sidoo kale, wuxuu amaan u jeediyay Frank Lampard, isagoo ku tilmaamay “hogaamiye” kahor Koobkii Adduunka ee 2014 lagu qabtay Brazil.
Si kastaba ha ahaatee, waa halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, oo u muuqda inuu Zidane si gaar ah u xushmeeyo. Sanadkii 2010, waxaa jiray warar sheegaya in tababarihii England, Fabio Capello, uu isku dayayay inuu Scholes kasoo saaro hawlgab si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee Koonfur Afrika.
Zidane laftiisa wuxuu qaatay go’aankaas, isagoo dib ugu soo laabtay ciyaaraha Koobka Adduunka 2006, kaasoo uu ku dhammeystay casaan kadib markii uu madax ku dhuftay xiddigii Talyaaniga, Marco Materazzi, intii lagu jiray finalkii ay Faransiiska rikoodhayaal ku waayeen.


