Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaarada dhalinyaradda iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa galinka dambe ee maanta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ku soo gaba gabeyneysa tartan kubadda cagta oo loo qabtay 12 kooxood.
Kooxahan ayaa laga soo kala xulay degmooyinka Baladweyne , Matabaan, Beergadiid, Hees, Jawiil, Gerijir, Qodqod, Tawakal, Kabxanleey, iyo Deefow.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.


