
Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kumanaan shaqaale ah oo ka tirsan Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa la fasixi doonaa sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in amarkan uu saameyn doono dhammaan shaqaalaha sida tooska ah loo shaqaaleysiiyey, marka laga reebo kuwa ka shaqeeya “hawlaha muhiimka u ah hay’adda, hoggaanka sare, iyo barnaamijyo cayiman oo si gaar ah loo asteeyay.”
Tani waxay daba socotaa go’aanno badan oo Madaxweyne Donald Trump uu ku jaray miisaaniyaddii barnaamijyada dowladda Maraykanku maalgeliso tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii hore.
Xukuumaddiisa waxay sheegtay in USAID ay lacag badan khasaarinayso isla markaana ay u baahan tahay inay la jaanqaado siyaasadaha cusub dowladda.
Go’aankii hore ee Trump ee ahaa inuu hakiyo kaalmada dibadda ayaa carqaladeeyay nidaamka caawinta caalamiga ah, iyada oo saameyntiisa laga arkay dalal ay ka mid yihiin Syria iyo Afghanistan.

