Xilliga Uu Garoomada Kusoo Laabanayo Martinelli Oo La Xaqiijiyay

0
172

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa laga saaray ciyaartii Arbacada ee semi-finalka koobka Carabao ee ka dhanka aheyd Newcastle United, iyadoo Gunners ay ka baxday tartanka kadib guuldarro 4-0 ah guud ahaan.

Inkastoo ay isku dayeen inay soo saxiixdaan Ollie Watkins oo ka tirsan Aston Villa iyo xiisaha Mathys Tel iyo Alvaro Morata, Arsenal waxay ku guuldareysatay inay wax ciyaaryahano ah ku darto safkooda bartamihii xilli ciyaareedka.

Haddaba maqnaanshiyaha Martinelli ayaa sii kordhin doona welwelkaas, iyadoo The Athletic ay soo sheegtay inuu seegi karo ilaa lix kulan kadib dhaawac muruqa hoose Kasoo gaaray.

ADVERTISEMENT

Mudadaas, wuxuu seegi doonaa ciyaaraha  Premier League ee ka dhanka ah Leicester City, West Ham United iyo Nottingham Forest.

Sidoo kale, shaki ayaa la gelinayaa safarka Manchester United ee 9-ka Maarso iyo safarka Chelsea todobaadka xiga.

Arsenal ayaa sidoo kale bilaabi doonta ololaha tartanka  Champions League xilligaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here