Hogaamiyayaasha bariga iyo koonfurta Afrika oo xal u raadinaya colaadda Congo

0
148

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hogaamiyeyaasha dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa Sabtida maanta ah isugu yimid shir aan noociisa hore loo arag, si xal loogu helo colaadda bariga Congo, halkaasi oo fallaagada ay Rwanda taageerto ay si degdeg ah horumar u sameeyeen tan iyo bishii Jannaayo, taasi oo sii kordhisay cabsida laga qabo dagaal kale oo ballaaran.

Madaxweynayaasha uu ka mid yahay kan Rwanda Paul Kagame ayaa safaf dhaadheer u galay bilowga wada-hadallada Dar es Salaam.

Madaxweynaha DR Congo Felix Tshisekedi ayaa muuqaal ahaan uga qayb galay.

Waa shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan wadamada Bariga iyo kuwa Koonfurta ee qaaradda Afrika, waxaana uu tilmaamayaa in Afrika ay aad uga walaacsan tahay qalalaasaha iyo ismariwaaga u dhaxeeya Congo iyo dalka dariska la ah ee Rwanda.

Kooxaha gargaarka ayaa gacan ka geysanayay sidii loo nafisin lahaa cisbitaallada buux dhaafay iyadoo shaqaalaha caafimaadka ay ku howlan yihiin aasidda meydadka ugu yaraan 2,000 oo qof oo lagu dilay dagaalka Goma, iyadoo laga walaacsan yahay cudurro faafa oo arrintaasi ka dhasha.

Dacwad oogayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan dhiigga daadanaya, halkaasi oo ay ka soo baxayaan warbixino la xiriira, kufsi wadareed sida uu sheegay xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here