Baladweyne (Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyadoo la ansixiyay 24-kii Oktoobar 2024 intii lagu jiray kulankii 40-aad ee Guddiga Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) oo ka dhacay Songdo, Koonfur Kuuriya.
Munaasabada lagu daahfurayey Mashruucaan waxaa goob joog ahaa Wasiiro , Xildhibaano, Xubno ka socday maamulka Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyo Iskaashatooyiinka Beeraha.
Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaneey.


