Xuska maalinta haweenka iyo gabdhaha Seyniska oo maanta dunida laga xusayo

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)- Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 22-kii december sannadkii 2015-kii meelmariyay in 11-ka bisha feberaayo oo maanta ku beegan sannad kasta dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee haweenka iyo gabdhaha seyniska, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo qiimaha dhinacyada bulshada iyo dhaqanka ee Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka si kor loogu qaado barnaamijyada horumarka waara.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka iyo Gabdhaha Sayniska 2025 waxay ujeeddadeedu tahay inla aqoonsado lagana horumariyo doorka muhiimka ah ee haweenka iyo gabdhaha ku leh sayniska, iyada oo la dhiirrigelinayo sinnaanta jinsiga ee Cilmiga, Teknoolojiyadda,Injineernimada, iyo Xisaabta (STEM).

16-kii sano ee la soo dhaafay, bulshada caalamku waxay sameysay dadaal badan oo ku saabsan dhiirigelinta iyo ka-qeybgalka haweenka iyo gabdhaha sayniska-Hase yeeshe haweenka iyo gabdhaha ayaan wali si buuxda uga qayb galin sayniska.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here