Baladweyne ( Radio Beerlula )-Laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii ilaa hadda sannad kasta 13-ka Feberaayo oo maanta ku beegan waxaa dunida looga dabal degaa maalinta raadiyaha Adduunka kadib markii Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay uu meelmariyay maalintan.
Maalintan ayaa looga gon lee yahay sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ahmiyadda uu leedahay raadiyaha.
Yaasiin Axmad Maxamuud Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka warbixiyay muhiimadda maalintan.
Qaar kamid ah wariyaasha ka hoowlgala magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay
Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay sida ay u arkaan saxaafadda wadanka ka howlgasha
In kasta oo raadiyuhu jiro in ka badan 100 sano, haddana weli waa mid ka mid ah hababka ugu caansan ee lagu gudbiyo wararka, lagu dhiirrigeliyo bulshada, waxna lagu baro.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


