PSG Oo Dooneysa Iney Lacag Waalli AH kusoo Qaadato Daafac Muhiim U Ah Liverpool

0
173

Baladweyne (Radio Beerlula)-Paris Saint-Germain ayaa si aad ah u dooneysa inay xagaaga lasoo saxiixato daafaca Liverpool, Ibrahima Konaté, waxaana la sheegay inuu xiiseynayo u dhaqaaqista kooxda Ligue 1, sida ay ilo wareedyo u sheegeen ESPN.

Kooxda heysata horyaalka France waxay raadineysaa inay xoojiso difaacooda isla markaana hesho lammaane mustaqbal dheer la yeelan kara Marquinhos. Saxiixa Konaté wuxuu sidoo kale u ogolaan lahaa PSG inay qorsheeyaan mustaqbalka, xilli Marquinhos uu 31 sano jirsanayo bisha May.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay ESPN in xiddiga xulka France uu xiiseynayo dib ugu laabashada magaalada uu ku dhashay. Konaté wuxuu shan sano kusoo qaatay Paris FC’s academy ka hor inta uusan 2014 u wareegin Sochaux.

Daafacan wuxuu Liverpool kaga soo biiray RB Leipzig bishii July 2021 heshiis ku kacayay £36 milyan ($45.3m).

Tan iyo markaas, wuxuu u saftay 116 kulan kooxda Merseyside, waxaana xilli-ciyaareedkan uu si rasmi ah u noqday xulashada koowaad ee Arne Slot si uu uga garab ciyaaro Virgil van Dijk.

25-jirkan wuxuu haatan qandaraas kula jiraa Liverpool ilaa 2026, iyadoo kooxda Ingiriiska ay dooneyso inay sii haysato. Bishii hore, Konaté ayaa xaqiijiyay in loo soo bandhigay qandaraas cusub, balse wuxuu ka gaabsaday inuu caddeeyo inuu joogi doono Anfield wixii ka dambeeya xagaaga soo socda.

“Waqtigan waxaan diiradda saarayaa waxa hadda socda, kadibna aan aragno waxa dhici doona,” ayuu yiri. “Taasi waa arrin kale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here