Dad ku dhintay god laga qodo macdanta oo ku yaalla dalka Mali.

0
125

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 48 qof ayaa dhimatay, ka dib markii uu dumay god dahabka laga qodo oo aan rukhsad loo haysan, kaas oo ku yaalla galbeedka dalka Mali, sida ay saraakiisha iyo ilo maxalli ahi u sheegeen wakaaladda wararka ee (AFP).

Mali waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee soo saara dahabka Afrika, balse goobaha macdanta ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dhul-goyn halis ah iyo shilal nafeed.

Dowladda Mali waxay la daalaa-dhacaysaa xakameynta qodista aan sharciyeysneyn ee macdanta qaaliga ah, iyadoo dalkaasi uu ka mid yahay kuwa ugu saboolsan caalamka.

Sanad ka hor, god macdanta laga qodo oo ku yaallay isla gobolka uu shilkii Sabtidii ka dhacay ayaa dumay, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 70 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here