Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaraha ee Toronto

0
147

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Diyaarad rakaab wadday oo ay leeday shirkadda Delta Air Lines ee dalkan Mareykanka ayaa ku rogmatay, garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, shilkaas oo dhaliyay dhaawac soo gaaray ilaa 19 qof oo ay ku jiraan saddex ruux oo ay xaaladdoodu aad u liidato.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Pearson ee magaalada Toronto ayaa xaqiijiyay in ay dayaaraddu rogmatay isla markaana dusha ku istaagtay xilligi ay soo caga dhiganeysay jidka ay diyaaradaha ku ordaan.

Dayaaradda oo ay saarnaayeen 76 rakaab ah iyo 4 ka mid ah shaqaalaheeda ayaa kasoo duushay magaalada Minneapolis. Dhammaan 80-ki qof ee la socday diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay u badantahay in shilka diyaaradda uu sababay baraf xoog leh oo ka da’ay magaalada Toronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here