Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne waxaa ku nool Dhalinyaro badan oo nolol maalmeedka qoyskooda ka maareeya iibinta Sabuulka Galleyda ee ka soo go’a Beeraha ku yaalo deegaanada hoosyimaada Gobalka Hiiraan.
Dhallinyarada ayaa soo iibsada loor sabuulaj oo ay kasoo bixiyaan 7 dollar , kadib waa ay dubaan sabuulka xalkiisa xabo ayeey iibiyaa dhibic hal ilaa dhibic labo kaasi oo ay ku iibiyaan wadada xiriirisa Xaafadaha Xaawo Taako iyo Buundoweyn.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


