Shir looga hadlayo colaadda Ukraine oo lagu qabtay Sacuudiga.

0
174

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wada-hadalladii Maraykanka iyo Ruushka uga socday magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga ayaa la soo gabagabeeyay, waxyar ka hor , iyadoo labada dhinac ay sheegeen inay isku dhageysteen si xushmad leh.

Inta uu wada-hadalka socday waxaa la isla soo qaaday geeddi-socodka lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine iyo sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal; Ruushka iyo Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wada-hadalka ayaa socday wax ka badan 4 saac oo xiriir ah, waxaana dhex dhexaadinayay Sacuudiga , mana jirin wakiillo ka socday Ukraine oo mustaqbalkeeda laga hadlayay iyo waddamada Yurub.

Xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio ayaa sheegay in mar un wada-hadallada nabadda Ukraine ay ku lug yeelan doonaan reer Yurub. Balse si cad, wada-xaajoodkan wuxuu waji-gabax iyo dib u dhac diblomaasiyadeed ku yahay dalalka Yurub.

Ergayga wada-xaajoodka Ruushka, Yuri Ushako ayaa dhankiisa sheegay in laga wada hadlay shuruudaha kulanka ay yeelanayaan hoggaamiyayaasha labada dal Donald Trump iyo Vladimir Putin, laakiin taasi uma badna inay dhacdo toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here