Mucaaridka oo ku guuleystay doorashadii Jarmalka

0
162

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Friedrich Merz, ayaa lagu wadaa in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee dalka Jarmalka, kaddib marki uu xisbiga uu hogaamiyo ee CDU uu kaalinta koowaad ka galay doorashadi guud ee Axaddii ka dhacday dalka Jarmalka.

Xisbiga CDU ayaa helay 208 kursi, AFD ayaa helay 152 kursi, halka SPD uu helay 120 kursi.

Hogaamiyaha cusub ee Jarmalka Friedrich Merz, ayaa sheegay in uu 20-ka bisha Marso soo dhisi doono dowlad wadaag ah, hase yeeshee waxaa loo badinayaa in uu la kulmi doono caqabado dhowr ah.

Jarmalka ayaa ah dalka ugu dadka badan Midowga Yurub, waana mid ka mid ah dowladaha ugu awoodda badan Isbaheysiga NATO. Waxaa ku nool 84 milyan oo qof.

Sidoo kale waa waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan dalalka ku jira Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here