Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland, oo kaashanaysa Ururka Caalamka Islaamka, ayaa maanta dhagax dhigtay masaajid cusub oo ku yaal xabsiga magaalada Kismaayo.
Masaajidkaan ayaa loogu talagalay in Maxaabiista, Askarta, iyo Shaqaalaha xabsiga ay ku cibaadaystaan.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin.


