Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeeyga Newcastle United, Alan Shearer, ayaa magacaabay Aston Villa inay tahay koox lama filaan ah oo uu u arko inay fursad weyn u leedahay ku guuleysiga FA Cup-ka kahor Manchester City.
Waxaa hadda tartanka ku haray sideed kooxood kaddib wareeggii shanaad.
Manchester City waxay la ciyaari doontaa kooxda Premier League-ka ee Bournemouth si ay ugu soo baxdo semi-finalka.
Fulham ayaa martigelin doonta Crystal Palace wareegga rubuc-dhamaadka, halka Villa ay u safri doonto Preston North End.
Kulanka ugu dambeeya ee rubuc-dhamaadka ayaa dhex mari doona Brighton iyo Nottingham Forest.
Maadaama kooxaha Liverpool, Arsenal, iyo Chelsea ay tartanka ka hareen, kooxda todoba jeer ku guuleysatay Manchester City ayaa fursad weyn u haysata inay ku badbaadiso xilli ciyaareed kooda xun hanashada koobkan.
Laakiin isagoo ka hadlaya barnaamijka The Rest is Football podcast, Shearer wuxuu yiri:
“Aston Villa waxay heysataa doorashooyin weerar oo aad u wanaagsan, Unai Emery wuxuu wax u beddeli karaa sida uu rabo. Waxaa laga yaabaa inaan Aston Villa u arko kuwa ugu cadcad tartankan hadda. Haddii ay helaan hal ama labo difaac oo kasoo kabanaya dhaawac, way adkaan doontaa in la garaaco.


