Baladweyne ( Radio Beerlula)- kooxaha Horseed iyo Suuqa sare ayaa galabta fooda isku dari doona garoonka kubadda cagta Buulaxaabley ee magaalada Baladweyne.
Sidoo kale kooxaha Raadeer iyo Afar Luuq ay ku ciyaari doonaan garoonka kubadda cagta Afyare.
Tartamadan ayaa qeyb ka ah tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo shalay ka furmay magaalada Baladweyne.



