Kooxda Raadeer oo 10-iyo 4-uga badisay dhigeeda Afarluuq

0
241

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Raadeer ayaa 10-4 uga badisay kooxda Afar Luuq kadib ciyaar ku dhaxmartay garoonka kubadda cagta Afyare ee magaalada Baladweyne.

 

Guddoomiyaha ururka kubadda cagta gobolka Hiiraan Cabdi Muxumed Aadan ( Kabadorog) Guddoomiyaha ururka kubadda cagta degmada Baladweyne Ismaaciil Cali Xassan iyo dhalinyaro kale ayaa daawanayay ciyaartan oo xiiso gaar ah laheyd.

 

Kulankii ay ku balansanayeen kooxaha Horseed iyo Suuqa sare ayaa baaqday galabta.

 

Ugu dambeyntii kulankan ayaa qeyb ka ah tartanka bisha barakeysan ee Ramadan oo maalintii shalay laga daah furay magaalada Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here