Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xildhibaannada mucaaradka ee dalka Serbia ayaa ku tuuray gudaha xarunta baarlamaanka dalkaasi bambooyinka sunta dadka ilmaysiisa, waxayna adeegsadeen sidoo kale buufin ka sameysan basbaas si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan mudaharaad dowladda looga soo horjeedo oo ay dhigayaan arday, iyadoo mid ka mid ah xubnaha sharci-dejinta uu ku dhacay xanuunka faaligga.
Qaar kale waxay tuureen bambooyinka sunta dadka ka ilmaysiiya waxayna isticmaaleen buufinta basbaaska.
Muuqaal si toos ah looga sii deynayay Telefishin ayaa muujiyay qiiq madow oo ka dhex baxaya gudaha xaruunta baarlamaanka, waxaan aarrintaani ay dhacaysaa kadib 1990-kii markii la hirgeliyay dimuqraadiyadda xisbiyada badan.
Mudaaharaad socda muddo afar bilood ah oo ay arday hoggaaminayeen, ayaa ka dhashay dhimashada 15 qof, markii uu ku dumay saqafka saldhig tareen.
Dhalinyaradan u badan ardeyda ayaa madaxweyne Aleksandar Vucic oo muddo tobanka sano xukunka hayay, ku eedeeyay musuqmaasuqa baahsan iyo wax-qabad la’aanta.


