Magaalo digada lo’da qorsheeynesa ineey ka sameyso shidaal loo isticmaali karo gawaarida

0
199

Baledweyne ( Radio Beerlula )-BMagaalo ku taal dalka Japan ayaa ka dhigeysa digada lo’da shidaal nadiif ah oo mustaqbalka loo isticmaalo gawaarida.

Magaalada Hokaido waa jasiirad ku taal waqooyiga Japan. Markaad tagto waxaad dareemeysaa urka digada lo’ada. Magaalada waxay caan ku tahay caanaha lo’ada. Jasiiradan waa tan labaad ee ugu weyn Japan, waxaana ku nool lo’ ka badan malyan oo soo saara kala bar caanaha iyo subaga dalka.

Magaalada waxay digada lo’da ka dhigeysaa maaddada hydrogen. Marka la gubo qiiq hawada wasakheeya ma sii deyso taas ayaa ka dhigeysa shidaal aan hawada wasakheyn. Rajo ayaa laga qabaa in ay noqoto shidaal rasmi ah.

Inta badan qaabka loo sameeyo hydrogen-ta maanta waa mid aan u fiicneyn hawada oo qaali ah balse habka ay magaaladan u sameyneyso ayaa ah mid qiimahiisu jaban yahay oo joogto loo heli karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here