Imaaraadka Carabta oo Mareykanka ku maalgashanaya lacag dhan $1.4 Trillion.

0
144

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si rasmi ah u shaaciyay qorshe cusub oo ay ku maalgelinayaan Mareykanka muddo 10 sano ah, iyadoo lacagta guud ee ay ballanqaadeen ay gaadhayso 1.4 trillion oo doolar, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kulan la qaatay Sheekh Tahnoon Bin Zayed Al Nahyan, oo ka tirsan madaxda sare ee Imaaraadka.

Warbaahinta Reuters iyo ilo kale ayaa sheegay in maalgelintani ay ku wajahan tahay horumarinta farsamada casriga ah sida kaabayaasha Garaadka Artificialka (AI Infrastructure), warshadaha sameeya chips-yada (semiconductors), tamarta, iyo wax-soo-saarka gudaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku xaqiijiyay kulanka, isaga oo sheegay in labada dal ay isla meel dhigeen qorshe ay ku xoojinayaan xidhiidhkooda dhaqaale iyo tiknoolajiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here