
Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wada qorshe ganax lacageed oo maalinle ah lagu saaray dadka qaxoontiga aha ee amar lagu siiyay inay dalka ka baxaan balse iska diiday, taasoo dhan $998 dollar.
Cidii bixin weyda lacagahan ama fulin weysa go’aanka dalka ay uga baxayaan ayaa sidoo kale lagala wareegi doonaa hantidooda, kadibna la mustaafuriyo iyada oo ganaaxyo lacageedna u raacsan yihiin.
Ganaaxyadan ayaa salka ku haya sharci la meel mariyay 1996, balse markii ugu horeysay la dhaqan geliyay 2018 xilligii xilka ugu horreeyay ee Trump.
Maamulka Trump wuxuu doonayaa in ganaaxyadan dib loogu laabto muddo shan sanno ah kadib, taas oo keeni karta in qofkasta lagu rido ganaax ka badan $1 milyan.
Dowladdu waxay ku boorrisay muhaajiriinta sharci darrada ku jooga inay si iskood ah uga baxaan iyagoo adeegsanaya barnaamij cusub oo la yidhaa CBP Home.

