Shiinaha oo canshuur dheeraad ah ku soo rogay Mareykanka iyo qiimaha dahabka oo kordhay.

0
108

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay kordhisay cashuurta ay ku soo rogtay alaabaha ka yimaadda Maraykanka, iyadoo gaadhsiisay ilaa 125%.

Xiisadda ganacsi ee u dhaxaysa Shiinaha iyo Maraykanka ayaa cirka isku shareertey.

Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in kordhinta cashuurtuuraha ee labadal ay saamayn ku yeelan karto ganacsiga caalamka iyo qiimaha badeecada dunida.

Dhinaca kale qiimaha halka garaam ee dahabka ah ayaa gaadhey $104, taas oo ah korodh wayn oo ku yimid qiimaha dahabka oo laga dareemayo suuqyada caalamka.

Qiimaha sare ee dahabka ayaa ku soo beegmay xilli ay jiraan isbedbeddelo dhaqaale oo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here