Wajiga Kowaad ee wadahadallada Iiran iyo Maraykanka oo la soo gabagabeeyey

0
135

Baladweyne (Radio Beerlula)-Iiraan iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay wareegii ugu horreeyay ee wadahadallada oo ka dhacay Cumaan, oo ku saabsan barnaamijka nuclear-ka ee Tehran – kulan heerkiisu sarrreeyo kii ugu horreeyey ee labada dal yeeshaan tan iyo 2018.

Labada dal ayaa kulanka ku tilmaamay mid “wax ku ool ah” waxayna xaqiijiyeen in wareeg labaad oo wadahadallo ah uu dhici doono usbuuca soo socda – Maraykankana waxa uu ammaanay “Wadahallada tooska ah” inay tahay furaha heshiis suurtagal ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayey inuu sameyn doono heshiis “ka wanaagsan”.

Wadahadalladan waxaa loo arkaa inay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu ogaanayo haddii heshiis la gaari karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here