Duufaan caro sidata kuna dhufatay Ciraaq

0
158

Baledweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 1,000 qof ayay la soo daristay dhibaatooyin xagga neefsashada ah ka dib markii dabeylo wata bacaad ah ay ku dhufteen bartamaha iyo koonfurta dalka Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Isbitaalada ku yaal gobolka Muthanna ee koonfurta Ciraaq ayaa tabiyay ugu yaraan “700 oo xaaladood oo neef-qabasho ah”, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan caafimaadka deegaanka.

In ka badan 250 qof ayaa loo qaaday isbitaal ku yaal gobolka Najaf, ugu yaraan 322 bukaan oo ay ku jiraan carruur ayaa loo diray isbitaallada gobolka Diwaniyah.

Muuqaalo la soo galiyay baraha Internetka ayaa muujinayay meelo ay dadeen ceeryaamo oranji ah, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay in korontadu go’day sidoo kalena la hakiyay duullimaadyadii dhowr gobol.

Dadka lugeynaya iyo booliiska ayaa wajiyada xidhnaa iyaga oo ka gaashamanaya boodhka, waxaana goobta ku sugnaa shaqaalaha caafimaadka si ay u caawiyaan dadka ay ku adag tahay neefsashada, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here