Askar ka tirsan ciidamada booliska oo magaalada Baladweyne looga furay tababar aqoontooda kor loogu qaadayo.

0
179

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Hirshabeelle Mukhtaar Maxamed Cabdulle iyo Taliye ku Xigeenka ciidamada booliska Hirshabeelle Col Xassan Maxamed Ibraahim ayaa magaalada Baladweyne si wada jir ah uga daah furay tababar ku saabsan kor u qaadida Xirfadaha iyo aqoonta Ciidamada, Dhisidda kalsoonida shacabka ee la xiriirta la macaamilka Ciidamada Amniga,Xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa ciidamada iyo hay’adaha kale ee dowliga ah.

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay askar ka tirsan ciidamada booliska magaalada Baladweyne , waxana furitaankiisa ka qeyb galay xubno ka tirsan wasaaradda amniga, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska gobolka Hiiraan.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here