Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland ayaa lagu qabtay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen inkabadan 980 arday oo baratay Xirfadaha farsamada gacanta sida Cuno karinta, Cilaan saarka , Qurxinta Dumarka iyo Harqaanka Islmarkaana ka aflaxday Xarunta farsamada gacanta ee Yoolsan.
Munaasabada lagu maamuusayay ardaydaan ayaa waxa ka qeybgalay maamulka Xarunta Yoolsan , Bahda waxbarashada,Waalidiin, Macallimiin ,Dhallinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey


