Isbitaal ku yaalla Kenya oo loo xiray eedeymo la xiriira dad xubnaha jirkooda lagala baxay.

0
254

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa joojiyay shaqadii adeegga caafimaadka ee tallaalida kelyaha ee isbitaalka Mediheal Group of hospitals.

Waxaana talaabadan ay timid iyada oo ay soo baxayaan warbixinada tuhumada bukaanno loogu tallaalay xarunta ku taal magaalada Eldoret ee Uasin Gishu, taasi oo ay sameysay adeegga dhiig-shubidda iyo tallaalida Kenya (KBTTS).

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa tuhunsan inay jiraan ka ganacsi sharci darro ah oo xubnaha bini’aadamka, ayna timid ka dib baaritaano ay ku sameeyeen in ka badan 370 kilyo tallaalid ah.

Wasiirka caafimaadka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku dhawaaqay labo sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka shaqadii laga joojiyay, iyada oo la ogolaaday in baaritaan lagu sameeyo fadeexaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here