Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya kaasoo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada,maamulka gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’addaha deeqaha bixiya, qaramada midoobay , kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii’aadanimada , iyo marti sharaf kale duwan.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.


