Baladaweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkana ay ku qalin jabinayeen ardey baratay kutubadda Saxiixul bukhaari, saxiixul muslim, iyo cashiro kale oo diini ah kuwaasoo tiradooda ay gareyso ku dhawaad 400 oo ardey oo ka kala timid gobollada dalka iyo degmooyinka gobolka Banaadir.
Munaasabaddan oo lagu qabtay masjidka Khaaliq ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay culumaaudin, waalidiin, ardeyda qalin jabisay iyo marti sharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.


