Dowladda Congo iyo fallaagada M23 oo gaaray heshiis hordhac ah.

0
189

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa bayaan ay soo saareen ku ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan nabadda kadib wadahadalo ku dhaxmaray dalka Qatar.

Heshiisku waxa uu kor u qaaday rajada laga qabo in xaaladdu xasisho.Dhinac walba wuxuu soo saaray bayaan gaar ah kadib markii ay wafdiyadoodu ka ambabaxeen dalka Qatar horaantii todobaadkan, kadib wadahadalo qaatay in ka badan todobaad.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wada-hadalkooda uu ahaa mid hufan oo wax ku ool ah, balse ma cadda goorta wareeg kale oo wadahadal ah uu dhici doono.

Kooxda M23 ayaa qabsatay laba magaalo oo ku yaal bariga Congo, iyadoo rabshadaha halkaa ka dhacay ay ku dhinteen kumannaan qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here