Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinaayeen inkabadan 100 arday baratay xirfadaha farsamda gacanta sida Qurxinta dumarka, Gelinta korontada iyo Tolista Dharka islamarkaana ka aflaxday Machadka Farsamda gacanta ee Kaafi.
Munaasabada lagu maamusayay ardaydaan waxaa ka qeybgalay Bahda Waxbarashada , Maamulka Machadka , Macallimiin , Waalidiin , Dhallinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


