Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qalinka ku duugay amar Madaxweyne, kaas oo xooga saaraya sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada ku saabsan AI-da (garaadka macmalka ah) ee dhalinyarada Maraykanka.
Trump ayaa sheegay in tani ay tahay arrin weyn oo muhiim ah.
“AI-du waa halka wax badan hadda ka socdaan. Trillions doolar ayaa lagu maalgelinayaa AI. Waa jidka mustaqbalka dad aad u caqli badan ayaa si weyn u maalgelinaya.”ayuu yiri Trump.
Tan iyo markii xilka uu la wareegay Donald Trump ayaa soo saaray go’aano lagu horumarinayo barnaamijyada Tiknolojiyadda isagoona sidoo kale albaabada u laabay wasaaradii waxbarashadda Mareykanka.


