Trump oo su’aal galiyey rabitaanka nabadda ee Putin.

0
158

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Donald Trump ayaa su’aal galiyay rabitaanka Vladimir Putin ee ah in la soo afjaro dagaalka Ukraine ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha dalkaas Volodymyr Zelensky oo ay ka wada qeyb galeen aaska Pope Francis.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada markii uu ka baxay Rome, trump ayaa sheegay inuu ka baqayo in Putin uu “marin habaabinayo” ka dib markii Mosco ay duqaysay Kyiv horraantii toddobaadkan isaga oo intaa ku daray “ma jirto sabab uu Putin gantaallo ugu garaaco goobaha rayidka.

Trump iyo Zelensky ayaa horraantii maalintaas lagu arkay iyaga oo si qoto dheer ugu doodaya gudaha Basilica-da St. Peter, kahor inta aan aaska si rasmi ah u bilaaban.

Aqalka Cad ayaa kulanka dhexmaray Trump iyo Zelensky oo qaatay 15 daqiiqo ku tilmaamay “mid wax soo saar leh”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here